Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dhaawacay Taliyihiisa

Maxakmadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah iyo 50 halaad ku xukuntay Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhaawacay Taliyihiisa.

Askariga oo lagu magacaabayay Dable Axmed Cali Cawaale ayaa waxaa uu dhaawacay Taliye Yuusuf Daahir Cali, kaddib markii ay ku murmeen bedel lagu sameeyay askariga, taasoo keentay inuu rasaas ku furay.

Dhibane Yuusuf Daahir Cali ayaa dhaawac culus ka soo gaaray rasaasta, taasoo sababtay in laga gooyo lugta, waxaana ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Falkan ayaa dhacay bishii March ee sanadkan, waxaana askariga kiiskiisa loo gudbiyay Hey’adda Dambi baarista CID, taasoo markii dambe go’aan ka gaartay in dacwadiisa loo wareejiyo Maxkamadda Ciidamada.

Dhowr jeer oo maxkamadda u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay askariga eedeysanaha ahaa ee dhaawacay Taliyihiisa ayaa ugu dambeyn maanta la soo gabagabeeyay.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  G/Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Waabiyow.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa sheegtay in racfaan uu dalban karo xukunsanaha, haddii uusan ku qancin xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.