Unai Emery oo qirtay inuu isku dayay saxiixa Lacazette waqtigiisii PSG

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa si cad u sheegay inuu isku dayay saxiixa Alexandre Lacazette waqtigiisii PSG.

Qirashada tababaraha reer Spain ayaa ku soo aadaysa xili Alexandre Lacazette uu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan iyo markii uu ku biiray Arsenal.

Unai Emery ayaa kaydka kooxdiisa dhigay weerar yahanka reer France kulamadii ugu horeeyay, laakiin wax walba ayaa is badalay markii uu badbaadiyay kooxda dhawr kulan oo xiriir ah.

“Markii aan tagay PSG waxaan ku fikiraynay inaan la saxiixano Alexandre Lacazette, tilmaamihiisa iyo tayadiisa ayaa aad noo soo jiitay, dadka ka shaqaynayay PSG waxay noo sheegeen inuu leeyahay tayo uu ugu ciyaari karo PSG” ayuu yiri tababare Unai Emery ka hor kulanka Leicester City.

“Xiliciyaareedkii hore ayaa ugu horeeyay Premier League, dabcan waa horyaal ka duwn kan Faransiiska, laakiin caqligiisu waa isla kii”.

“Alexandre Lacazette wuxuu leeyahay caqli wanaagsan, wuxuu naftiisa u abuuraa fursado uu gool ku dhalin karo, waa gool dhaliye shaqo badan waana ku faraxsanahay isaga”.