Shirka Madaxda Maamul goboleedyada oo ka furmay Garowe

Waxaa goor dhow magaalada Garowe ka furmay shir wadatashi ay leeyihiin Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ka qeyb galayaan afar ka mid madaxda maamul goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay ujeedada shirka.

Khudbadaha Madaxda dowlad goboleedyada ayay diirada ku saarayaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeyo.

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed.