PSG iyo Adrien Rabiot oo ugu danbayntii isla meel dhigay saxiixida heshiis cusub

PSG ayaa carqaladaysay fursadii Adrien Rabiot uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona bisha Janaayo ama dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, Canal+ ayaana baahiyay inuu goor dhaw saxiixi doono heshiis cusub.

Adrien Rabiot ayaa bilihii u danbeeyay dhawr dalab ka diiday kooxdiisa PSG, balse wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in laacibku uu ogolaaday ugu danbayntii inuu saxiixo heshiis gaaraya ilaa 3-sano.

Tababare Thomas Tuchel ayaa door fiican ka ciyaaray go’aanka uu qaatay Adrien Rabiot maadaama uu siiyay kalsooni buuxda isaga oo ka dhigay xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Maamulka PSG ayaana ku qanciyay inuu saxiixo heshiis cusub oo kor loogu qaadayo mushaarkiisa.