Lorenzo Insigne oo shaki la galinayo inuu taam u yahay kulanka PSG

Napoli ayaa u martin doonta arbacada kooxda reer France ee PSG kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.

27 jirkaan reer talyaani ayaa dhaawac ku seegay kulankii Napoli ay 3-0 ku garaacday kooxda Udinese, waxaana shaki laga muujinayaa inuu taam u noqon karo kulanka PSG.

Sida ay baahisay Football Italia, Lorenzo Insigne ayaa wali la dagaalaya waqtiga si uu fursad ugu helo inuu u safro magaalada Paris.

Laakiin xaalada uu haatan ku sugan yahay ayaa keentay in shaki wayn la galiyo in Lorenzo Insigne uu si buuxda taam ugu noqon karo kulanka arbacada.

Maalmaha yar ee soo socda ayaa la filayaa in Napoli ay war ka soo saarto in laacibku uu ciyaari karo kulankaas iyo inkale.