Cristiano Ronaldo oo Xalay noqday Laacibkii ugu horreeyay ebid TAARIIKHDA Kubbada cagta oo

Cristiano Ronaldo ayaa gool dhaliyay ciyaartii xalay ay bar baraha 1-1 la galeen kooxda Genoa horyaalka Serie A, isagoona diiwaan gishtay Taariikh u gaar ah.

Laacibka reer Portugal ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ebid kubbada cagta oo 400 gool ka dhaliya 5-ta horyaal ee ugu sarreysa Yurub.

Cristiano Ronaldo wuxuu 84-gool ka soo dhaliyay Premier League kooxda Manchester United, La Liga uu dhawaan ka soo tagayna wuxuu ka soo dhaliyay 311-gool kooxda Real Madrid, iminkana goolashiisa Juventus ee horyaalka Serie A waxay sii cago cageynayaan 5-gool.

Lionel Messi ayaa ku soo xiga oo isna  389-gool horyaalka La Liga ka dhaliyay balse dhammaan wuxuu u dhaliyay kooxda Barcelona oo qura.