Ciidamo Boolis iyo Maleeshiyo hubeysan oo isku rasaaseeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir iyo Maleeshiyo hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe isku rasaaseeyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Is rasaaseyntan ayaa timid, markii Ciidamada Booliska oo ku gudajiray howlgal roondo ay ka wadeen agagaarka Siliga Ameerikaanka ay rasaas kala kulmeen maleeshiyooyin hubeysan.

Goobta is rasaaseynta ka dhacday ayaa waxaa tagay Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Amniga Maxamed Tuulax iyo Saraakiil ka tirsan Booliska.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidanka Booliska ee howlgalka waday iyo maleeshiyaadka hubeysan uu dagaal dhex maray, iyadoo ciidamada Booliska ay dileen mid ka mid ah kooxdii hubeysneyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in saddex kale la dhaawacay oo ay ku jeebeysan yihiin Isbitaalka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in askari boolis ah uu ku geeriyooday howlgalkaas.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay falal isugu jiray dhac iyo dil oo kooxo hubeysan ka geysanayeen magaalada Muqdisho, kuwaasoo u badnaa dhac, waxaana dadka deegaanka walaac ka muujinayeen kooxo hubeysan oo habeen iyo maalin dhac ka geysta xaafadaha