Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay koox Qorsheeneysay falal Argagixiso oo ay ka fuliyaan Muqdisho

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay  koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fulin rabeen.

Sida lagu shaaciyey war kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaan la fuliyey 7-dii Bishaan oo ku beegneyd maalintii shalay aheyd.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan,Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada Argagixisada khatarta ku ah shacabka”ayaa lagu yiri warka kooban ee lasoo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la maaganaayeen shacabka Soomaaliyeed.