Ciyaaryahan Ronaldihii Brazil oo isbitaal la dhigay.

Ciyaaryahan Ronaldo oo Koobka Adduunka la qaaday dalkiisa Brazil ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii uu qabaw ku dhacay.

Ciyaartoygan hore ayaa la dhigay ibtaalka isaga oo aad u xanuunsan waxaana la filayaa in Isniinta laga saaro.

Ronaldo ayaa 62 gool u dhaliyay qarankiisa Brazil, waxaana ka mid ah labadii gool ee ay Jarmalka kaga qaadeen Koobka Adduunka 2002dii.

“Hargab xun ayaa igu qabtay Ibiza, balse xaaladdu way dagan tahay” ayuu Twitterka ku soo qoray Ronaldo.

Ciyaartoygan oo Real Madrid afka hore uga dheeli jiray ayaa taageerayaashiisa uga mahadceliyay jacaylka iyo wanaaga ay u rajeeyeen, kooxaha kale ee uu u soo dheelay waxaa ka mid ah Barcelona, Inter Milan iyo AC Milan.