Dhulgariir labaad Oo kadhacay Lombok Indunisiya

Jasiiradda dalka Indunisiya ee Lombok ayaa waxaa ku dhuftay dhulgariir kale, xilli kii hore aanan laga soo kaban, walina la baadi goobayo dad ku maqnaa kii horey u dhacay.

Wakaaladda samayska dhulka ee Maraykanka ee USGS ayaa sheegtay in dhulgariirka uu cabirkiisa gaarayay 5.9 cabirka dhulgariirada, waxaana jira warar sheegaya in dhismayaal dhan ay dhulka yimaadeen.

Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka hoostiisa ka baaraya dadka maqan, iyada oo hay’adda Istalaabta Cas ay sheegtay in ay dhinteen illaa 131 qof.

Tuulooyinka qaar ayaa gabi ahaanba dumay, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad gaaraya 1,400 sida ay dowladda sheegtay.

Illaa 156,000 ayaa ku barokacday dhulgariirka oo ah mid aad u culus.

Hay’adda ka hor tagga masiibooyinka dalkaas ayaa sheegaysa in tirakoobyada ay intaas ka badan karaan.