Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo ka dhacay Suuqa Xoolaha gaar ahaan Agagaarka Sos, kuwaasoo lala eegtay Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxyadda ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in ay daqiiqado kala dambeeyeen.

Qarax koowaad ayaa qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan .

Daqiiqado ka dib ayaa sidoo kale waxaa dhacay Qarax kale, Waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.