Khilaafka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Iiraan oo sii xoogeysanaya

Khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ii raan ayaa u muuqda mid circa isku sii shareeraya,kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray.

Dowladaha Reer Galbeedka qaarkood ayaana ka walaacsan go’aanka madaxweyne Trum eek u aadan Iiraan,kadib markii uu sheegay in uu xayiraad hor leh uu ku soo rogayo.

Xayiraadaha cusub ee uu Mareykanka ku soo rogay dalka Iiraan ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah balse cunaqabataynta ayaa u muuqata mid saameynteedu aad looga dareemayo gudaha dalka Iiraan.

Dowladaha ku bohoobay Midowga Yurub ayaa dhankooda sheegay in ay  doonayan in uu ixtiraamo heshiiska niyuukleerka ee Iiraan ay la galeen quwada caalamka.

Qorshahaasha cusub ee cunaqabateynta ah ayaa la hakiyay sanadkii 2015 kaddib hishiiskii niyuukleerka ee xukuumadda Tehraan la gashay quwadaha caalamka balse madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay Iiraan ka badbaadi karto cunaqabateyntan haddii ay joojiso horumarinta bacriminta yuuraaniyamka laga sameeyo hubka niyuukleerka iyo haddii ay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay taageerada argagixisada barriga dhexe,

Dhanka kale dowladda Iiraah ayaa siweyn uga soo horjeeda go’aanka madaxweyne Trump eek u aadan arrimaha Nuclearka dalkaasi,waxaana ay sheegaty in ay ka jawaabi doonto.