koobka Aduunka Oo Lasoo Gabagabeeyey

Xulka Faransiiska ayaa ku guuleystay tartanka Koobka Aduunka oo ka socday dalka Ruushka,waxayna 4-2 kaga adkaatay Xulka Croatia.

Ciyaartii kama danbeysta ahayd ayaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Xulka Faransiiska ayaa markii Labaad ku guuleystay Koobka Aduunka.

Sanadkii 1998dii ayay xulka Faransiiska markii ugu horeysay ku guuleystay koobka adduunka iyadoo tababaraha xulka Faransiiska ee xilligan Didier Deschamps  uu ahaa kabtankii labaatan sano kahor hogaaminayay xulka Faransiiska.